Isku xirrada

Ciidamada India iyo Pakistan oo is Rasaaseeyey


Mas’uuliyiinta dalka India ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof oo rayid ah lagu dhaawacay rasaas la isku weydaarsadey xadka ku yaalla gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir.

Is rasaaseynta dhexmartey India iyo Pakistan ayaa bilaabatay maalintii Axadda. Isniintii, waxay rabshadahaasi sababeen khasaarihii ugu weynaa ee in ka badan 10 sanno halkaasi ka dhaca, markii sagaal qof oo rayid ah oo labada dhinac ee Pakistan iyo India u kala dhashey ay dhinteen, kuwo kale oo bandanna ay dhaawacmeen.

WaaTalaabadani waxay meel ka dhac weyn ku tahay heshiis xabbad joojin ah oo laga hirgeliyo xadka oo labada dal ay gaareen sannadkii 2003.

Agaasimaha Guud ee Ciidamada Ilaalint Xudduudaha India, D. G. Pathak, ayaa maanta saxaafadda u sheegay in 40 goobood oo ay leeyihiin ciidamada India ay soo weerareen askarta Pakistan. Waxa auu sheegey in ciidamada India ay ka jawaabeen weerarkaasi.

Pathak waxaa uu intaa ku darey in dadka ku dhaqan tuulooyinka xadka ku yaalla ay doonayaan inay nabad helaan.

Saraakiisha India waxay askarta Pakistan ku eedeeyen inay hoobiyeyaal iyo qoryaha darandooriga u dhaca la dhaceen dhulka India.

XS
SM
MD
LG