Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo La Wareegtay Baraawe


Xaaladda magaalada Baraawe ayaa cakiran iyadoo ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay dul fahdiyana magaalada. Goor hore oo saaka ahna unug ka tirsna ciidanka ayaa tagay degaanka cirika magaalada ee agagaarka Huteel Kolombus.

Guddomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Siidii oo isagu saaka galay magaalada ayaa VOA-da u sheegay in magaadala ay xasiloon tahay ciidamdana ay joogaan banaanka magaalada.

Kooxda a-l-Shaab oo muddo dheer ku sugnaa degmada Baraawe ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn halka ay aadeen iyo inay si rasmi ah uga baxeen degmada iyo in kale.

Dhinaca kalana, dadka degaanka ayaa ka codsaday in ciidamda dowladda aanay gudaha u soo galin degaanka, oo ay banaanka ka joogaan. iyagoo walaac ka muujiyay dishibiliinka ciidamada.

Wararka iyo wareysiga xaaladda degmada Baraawe iyo taariikhdeedaba ka dhageyso xagga hoose.

Wararka Degmada Baraawe
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:13:55 0:00



XS
SM
MD
LG