Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo "Gowracdey" Alan Henning


Ururka argagixisada ee ISIS ayaa sheegay inay dileen Alan Henning oo ahaa la hayste u dhashey dalka Britain.

Kooxda ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha soo bandhigtey video muujinaya iyagoo gowracaya Mr Henning. Cajaladda ayaa u qaab ekayd sidii kuwii hore ee ay kooxda ku sheegatey inay ku gowraceen saddex qof oo kale oo u dhashey dalalka reer galbeedka.

Video-ga uu soo bandhigey ururka ISIS ayaa lagu soo gabagabeeyey fariin loogu hanjabayo in la dili doono la hayste u dhashey Mareykanka oo magaciisa lagu sheegay Peter Kassig.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyey in Kassig uu gacanta ugu jiro kooxdaasi argagixisada ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay xaqiijinta macluumaadka ku jira cajaladda. Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa bogga twitter-ka ku soo qorey fariin uu ku dhaleeceynayo waxa uu ugu yeerey dilka waxashnimada ah ee ISIS u geysatey Alan Henning. Waxaa uu tacsi u direy xaaska Mr Henning iyo carruurtii uu ka tegay.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa isna si xooggan u cambaareeyey waxa uu ugu yeeray dilka waxahnimada ah ee Mr Henning.

XS
SM
MD
LG