Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska oo Kala Dhexgaley Rabshadaha Hong Kong


Booliska Hong Kong ayaa kala dhexgaley dadka banaanbaxyada dhigaya ee dimoqraadiyad doonka ah iyo shacab ka careysan banaanbaxyada muddada toddobaadka ah socdey.

Iska hor imaadyada ayaa bilowdey markii koox ka kooban boqolaal taageerayaasha Xisbiga Shuuciga ah ay weerareen goob ay dadka mudaahaaraadyada dhigaya ku sugnaayeen oo ku taalla xaafadda Mong Kok, halkaas oo ay ku burburiyeen teendhooyin isla markaana ay ku jeexjeexeen boorar ay dadkaasi wateen..

Booliska ayaa isku daygoodii hore ee ay dadkaasi ku kala dhexgalayeen dhicisoobey, kadibna waxaa goobtaa loo direy boolis kale oo hor leh. Ma jiraan dad ku dhaawacmey rabshadahaas.

Rabshadaha ayaa waxaa xigey roobab xooggan oo sababey inay dadka banaanbaxyada dhigaya tiradooda aad hoos ugu dhacdo. Qaar kale oo badan ayaa shaqooyinkooda ku laabtey laba maalmood oo fasaxyo qaran kadib.

XS
SM
MD
LG