Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cameron oo Booqasho ku Tagey Afghanistan


Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa socdaal aan horey loo shaacin ku tegey Afghanistan isagoo wadahadal la leh hoggaamiyeyaasha cusub ee dowladda midnimada qaran.

Mr. Cameron waxaa uu xarunta madaxtooyada ee magaalada Kabul wadahadal kula yeeshay Madaxweyne Ashraf.

Shir jaraa’iid oo uu ka hadlayey kulankaasi kadib, Mr Cameron waxaa uu sheegay in Britain sii wadi doonto taageerada horumarinta ciidamada Afghanistan, walow xukuumaddiisa ay dib dalkeeda ugu celineyso dhammaan askarta dagaalka ee halkaasi ka joogta.

Ku dhowaad 3,000 oo askari ayaa Britain ka jooga Afghanistan, waxyna qeyb ka yihiin ciidamada NATO ee halkaasi ku sugan.

Mr. Cameron waxaa uu ku bogaadiyey hoggaamiyeyaasha cusub ee Afghanistan, Mr. Ghani iyo Mr. Abdullah Abdullah sida ay u uga wada shaqeynayaan dhismaha dowlad loo dhan yahay, laakiinse waxaa uu intaa raaciyey in aan weli hawshaasi la qaban.

XS
SM
MD
LG