Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Baarlamaanka oo Fasaxay Howgallo ka dhank ah Daacish


Turkish Parliament
Turkish Parliament

Baarlamaanka dalka Turkey ayaa ansixiyay mooshin dowladda u oggolaanaya in howgallo militari oo kadhan ah kooxda Daacish ka fuliso gudaha Ciraaq iyo Suuriya.

Mooshinkan ayaa sidoo kale oggolaanaya ciidamo ajanabi ah oo fadhiisin ka sameysta gudaha Turkey, iyo in la isticmaallo saldhigyada militariga Turkey.

Xukuumadda Ankara ayaa waxaa lagu cadaadiyay inay door ka qaadato isbahaysiga uu Maraykanku horkacyo ee ka dhanka ah kooxda Daacish, kaddib markii maleeshiyadu ay u soo dhawaatay goobaha militari ee xadka Turkey la wadaago dalka Syria.

Turkey waxay horey u diiday inay isbahaysigan ka mid noqoto, waxaana taasi sabab u ahaa, iyadoo kooxda Daacish ay afduub ahaan u haysteen 49 Turkey ah oo lagu qabtay magaalada Mosel bishii June.

In kabadan 160-kun oo qaxooti ah ayaa u talaabay xadka Turkey, kuwaasoo ka yimid Koabi oo dhinaca Syria ku taalla, waxaana halkaasi weeraro ku soo qaaday kooxda Daacish.

XS
SM
MD
LG