Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbaxyo Weli ka Socda Hong Kong


Madaxa Fulinta ee Jasiiradda Hong Kong ayaa ku baaqaya in deg deg loo soo afjaro banaanbaxyada dimoqraadiyad doonka ee socda, xilli ay dadka ka qeyb qaadanaya mudaaharadayada ay ku hanjabayaan inay sii balaarin doonaan ololahooda ay dowladda kaga soo horjeedaan.

Khudbad uu maanta jeediyey Mr Leung Chun-ying waxaa uu sheegay inaanu aqbali doonin dalabka dadka banaanbaxyada dhigaya ee ah inuu is casilo amaba uu sameeyo isbeddelo balaaran oo dhinaca dimoqraadiyadda ah.

Waxaa uu ugu baaqey dadka banaanbaxyada dhigaya inay soo afjaraan mudaaharaadyada shanta maalmood socdey, maadaama ay xadka ka gudbeen.

Dadkaasi banaanbaxyada dhigaya ayaa iska dhega tirey dalabka dowladda, waxayna iyagoo intii hore ka tiro badan buux dhaafiyeen waddooyinka xilli habeen ah. Maalinta Arbacada ayaa la filayaa in tiro intaa ka badan ay isku soo baxdo.

XS
SM
MD
LG