Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin Taageera ISIS oo Australia lagu Xirey


Booliska dalka Australia ayaa xirey nin ay sheegeen inuu isku dayey omuu lacag u diro nin u dhashey Mareykanka oo la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay dagaalyahannada mintidka Muslimiinta ee Syria.

Ninka oo aan magaciisa la shaacin ayaa da’diisa lagu sheegey 23 jir waxaana lagu qabtey hawlgal maanta ay booliska ku qaadeen dhowr guri oo ku yaalla magaalada Melbourne ee koonfuurta Australia.

Kaaliyaha Taliyaha Ciidamada Booliska Australia Neil Gaughan ayaa sheegay in ninkan la tuhunsan yahay uu isku dayey inuu lacag dhan $10,500 u diro nin Mareykan ah oo ka dagaalamaya Syria.

Booliska ayaa sidoo kale aaminsan in eedeysanaha uu iskii u hawlgalayey isla markaana aanu khatar degdeg ah oo muuqata ku ahayn shacabka.

Waxay kaloo sheegeen inaanu wax xiriir ah la lahayn nin argagixisonimo lagu tuhunsanaa oo ay booliska ku toogteen toddobaadkii hore magaalada Melbourne.

XS
SM
MD
LG