Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ashraf Ghani oo Xilka loo Dhaariyey


Dalka Afghanistan waxaa si rasmi ah loogu dhaariyey Ashraf Ghani inuu noqdo madaxweynaha cusub, waxaana uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horeeyey ee dalku yeesho tan iyo duulaankii Mareykanka ee Afghanistan sannadkii 2011-ka.

Xafladda dhaarinta waxaa lagu qabtey xarunta madaxtooyada ee magaalada Kabul, waxaana ka soo qeybgaley wufuud caalami ah, iyadoo amnigana si weyn loo adkeeyey. Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa dhaqanka ayaa iyaguna ka soo qeybgaley munaasabadda.

Madaxweynaha talada ka sii degaya Hamid Karzai ayaa talada dalkaasi la wareegey markii la afgembiyey kooxdii Taliban.

Musharaxa jagada madaxtinimada Abdullah Abdullah oo ay is hayeen Mr Ghani, ayaa loo dhaariyey inuu noqdo madaxa cusub ee fulinta, jagadaas oo qeyb ka ah heshii awood qeybsi ah oo la gaarey kadib markii ay soo ifbaxdey xasarad la xiriirrta natiijada doorashada oo lagu murmey.

XS
SM
MD
LG