Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Waan Dhayalsanay Kooxda Daacish


Obama CBS
Obama CBS

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Maraykanku ay dhayalsadeen soo ifbaxa iyo halista kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee fadhigoodu yahay dalka Syria.

Obama wuxuu sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale ka bad-badisay awoodda ciidamada dowladda Ciraaq ay u lahaayeen inay ku dagaallamaan kooxda Daacish.

Obama oo la hadlayay barnaamijka 60 Minute ee Tilifishanka CBS, wuxuu sheegay inay khiyaali tahay hadalka oranaya in haddii Maraykanku hubeyn lahaa jabhaddaha Syria laba sanno ka hor, ay taasi Syria maanta ka dhigi lahayd wadan fiican.

Madaxweyne Obama wuxuu xaaladda Ciraaq ku eedeeyay, inuu qeyb ahaan leeyahay Ra'isul-wasaarihii hore Nouri al-Maliki, oo uu sheegay inuu dayacay fursad uu dalka ku mideyn lahaa.

Obama wuxuu sheegay al-Maliki uu shaki ka qabay Sunniyiinta iyo Kurdida, aadna u daneynayay xoojinta taageerayaashiisa Shiicada, taasina ay ugu muhiimsananyd inuu dhiso dowlad mideysan.

XS
SM
MD
LG