Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR: Qaxootiga Caalamku wuu Batay


Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in tirada dadka magangalyo doonka weydiisanaya dalalka horumaray ay kor u kacday, iyadoo kororkana intiisa badan ay keentay dagaallada ka socda Iraq and Syria.

UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 330,700 oo qof ay xaqootimo codsadeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay sannadkan, waxayna taasi 24% ka badan tahay sannadkii hore.

Hay’adda ayaa sheegay in haddii kororkani uu sii socda, in sannadkan 2014 ay gaari doonto 700,000

Madaxa UNHCR, Antonio Guterres ayaa sheegay in beesha caalamku ay u baahan tahay inay dadkooda xaqiiqda u sheegaan, taasoo ah in haddii aan xal loo helin mushkilladaha dunida ka taagan, inay taasi keeni doonto in dad badan qaxooti noqdaan bilaha iyo sannadaha soo socda.

XS
SM
MD
LG