Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Digniin Loo Jeediyay Tareenada Mareykanka Iyo Faransiiska.


Xukumadda Ciraaq ayaa sheegtay inay heyso daliilo muujinaya halis suurta gal ay tahay inay soo wajahdo tareenada dhulka hoostiisa mara ee Mareykanka iyo Fransiiska.

Ra’isul Wasaaraha Ciraaq Xeydar Alcabadi ayaa ugu sheegay wariyeyaasha magaalada New York Khamiistii shalay – in xogtan laga helay mintidiin ajnabi ah oo la qabtay iyagoo ka bar bar dagaalamayay Daacish gudaha dalka Ciraaq.

Hase yeeshee saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in aaney heyn wax muujinaya inuu jiro shirqool noocaasi ah oo ka dhan ah hanaanka tareenada ee Mareykanka.

Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay baro ay Daacish ku laheyd Ciraaq, gaar ahaan dhul ay dagaalyahanada daacish horumar dhinaca dagaalka ah ka sameeyeen.

XS
SM
MD
LG