Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Ebola Amniga Dunida ayuu Halis ku Yahay


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in virus-ka cudurka Ebola uu si xawli ugu faafayo dalalka Guinea, Liberia, and Sierra Leone.

Obama oo ka hadlayay shir gaar ah oo ku saabsan cudurka Ebola oo dhacay xarunta QM ee New York, ayaa sheegay in cudurkani uu dili karo boqolaal kun oo qof bilaha soo socda.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in dunidu aysan wax ku filan ka sameynayn sida loo joojinayo cudurka Ebola ee ka jira Galbeedka Africa.

Obama ayaa sheegay in cudurkani uu halis dhinaca amniga ah ku yahay gobolka Galbeedka Africa sidoo kalena halis ku noqon karo dunida inteeda kale.

Saraakiisha caafimaadka Maraykanka ayaa ka digay in cudurka Ebola uu ku dhici karo in kabadan hal malyuun oo qof dhammaadka sannadka danbe.

Obama ayaa u sheegay madaxda caalamka baahida loo qabo inay ka dhabeeyaan balanqaadkooda, sidoo kalena bixiyaan gar-gaar, ay ku jiraan gaadiidka cirka, shaqaalaha caafimaadka iyo qalabka caafimaadka.

Obama ayaa sheegay joojinta cudurka Ebola ay tahay mid ay mudnaan siinayaan dowladda Maraykanku, wuxuuna sheegay in dalalka kalena ay sidaasi oo kale mudnaan siiyaan.

Madaxweyne Obama wuxuu madaxda Liberia, Sieera Leone, Guinea iyo qeybaha kale ee galbeedka Afrika ku amaanay dagaalka ay ku la jiraan cudurkan, isagoo u sheegay inaysan kaligood ahayn.

XS
SM
MD
LG