Isku xirrada

Shirka Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay


In ka badan 140 madaxweyne ayaa ku sugan magaalada New York ee dalkan Mareykanka, halkaas oo uu shalay ka furmay shirkii 69aad ee sanadlaha ee Golaha Guud ee loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Ajendayaasha shirka sanadkan ayaa waxaa hareeyay khudbooyin iyo wada hadalo ku saabsan mushkiladaha cusub ee dunida soo wajahay, sida cudurka dilaaga ah ee Ebola, dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, dagaalka Ukraine, ka hortagista faafidda hubka Nukliyeerka iyo Cimiliada sii kululaaneysa ee Dunida.

Maanta ayaa waxaa shirka Khudbado ka jeedin doona madaxweynayaasha dalalk xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

iyadoo dhinaca kale, qodobada shirka maanta looga hadlayo ay ku jirto Somalia.

Wariyeheena Daud Aweys oo shirkaasi u jooga New York ayaa nooga soo waramay.

XS
SM
MD
LG