Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xarumaha Daacish ee Syria oo la Duqeeyay


Mareykanka iyo koox ka kooban shan dal oo Carab ah ayaa qaadey weerar xaga cirka ah oo ka dhan ah saldhigyada kooxda Daacish ee gudaha dalka Syria.

Warqoraal ah oo ka soo baxay xaruunta taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegey in 14 weerar oo xaley la qaadey ay dhaawacdey ama ay burburisey afar goobood oo lala eegtey bariga dalka Syria oo ay ku jirto xarunta maleeshiyaadkan oo ku taala magaalada ay ku xoogan yihiin ee Raqqa.

Dalalka Bahrain,Qatar, Saudi Arabia,Jordan iyo Imaaraadka ayaa ka qeybqaatey ama taageerey weerarkan.

Duqayntan ayaa inta badan lala eegtey xarumo maleeshiyaadka lagu tababaro iyo waliba xaruntii dhaqaalaha.

Kooxda la socodka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigeedu yahay London ayaa sheegtay in weeraradasa ay dileen tiro badan oo ka mida maleeshiyaadkaas.

XS
SM
MD
LG