Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Qaahira


Saraakiisha ammaanka ee dalka Masar ayaa sheegay in qarax bam oo ka dhacay faras magaalaha Qaahira , goob ku dhow Wasaaradda Arrimaha Dibedda ay ku dhinteen laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa ciidamada booliska.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in dhowr xubnood oo kale oo ka tirsanaa ciidamada booliska ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo lala beegsadey bar ciidamada boolisku leeyihiin.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarkan. Warbixintan waxaa magaalada Qaahira inooga soo direy weriyaha VOA Xuseen Saxnuuni.

XS
SM
MD
LG