Isku xirrada

Daacish oo sii Daysay 49 Turkish ah


RW Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa sheegay in 49 lahaysatayaal Turkey ah oo ay kooxda Daachis ku qabsadeen dalka Ciraaq la sii daayay. Dadkan ayaa si nabadgelyo ah dib ugu noqday dalka Turkey.

Ma cadda sida ay dowladda Turkey ugu suurgashay in dadkan la sii daayo iyo in madaxfurasho la bixiyay iyo in kale.

Turkey oo qeyb ka ah isbahaysiga NATO ayaa ka gows-adaygaysay inay ku biirto isbahaysi la dagaallama kooxda Daacish, iyagoo sabab uga dhigay dad lahaystayaashaee laga haysto.

RW Turkey ayaa sheegay in siideynta lahaystayaashan ay sameeyeenn laamaha amniga Turkey, laakiin muusan sheegin faahfaahinta.

Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay Turkida la siidaayay lagu sii daayay "howgal guuleystay" oo socday habeen.

XS
SM
MD
LG