Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: Ciidan Dagaal ma Geynayno dalka Ciraaq


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ayna ka qeyb qaadan doonin dagaalka tooska ah ee lagu jiro ururka Islaamiga ah ee Dawladda Islaamka.

Kerry ayaa Guddi Hoosaadka Senateka u sheegay Arbacadii shalay in arrintu ayna ahayn sidii sanadihii 1991kii iyo 2003dii, sanadahaas oo ciidanka Maraykanka loo kala diray Kuwait iyo Ciraaq. Waxa uu sheegay in hawlgalkoodu uu noqon doono tababarka iyo taakuleynta ciidanka dhulka ee Ciraaq, si ay ciidanka awood ugu siiyaan inay hawshooda qabsadaan.

Kerry ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in Congressku ansixiyo lacagta lagu maalgalinayo, laguna tababarayo mucaaradka qunyar socodka ah ee Suuriya.

XS
SM
MD
LG