Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Laga Yaabo Inuu Ciidamo Dagaal u Diro Ciraaq


Sarkaalka ugu sareeya Miltariga Mareykanka ayaa albaabka u furay suurtagalnimada ciidan Mareykanka ka socda oo dhulka kula dagaalama ISIS, in ciraaq la geeyo.

Taliyaha Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, General Martin Dempsey, ayaa u sheegay guddi ka tirsan congresska Talaadadii shalay, in hadii uu u baahdo in ciidamo la taliyeyaal ah oo military inay Ciraaq ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto ISIS inuu ogolaansho weydiisan doono Madaxweyne Obama.

Dempsey ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku wanaagsanyihiin la talinta dhinaca dagaalka marka ay furumaha la isku hayo tagaan, laakiin buu yiri hadda aanu qorshaha ugu jirin in ciidamo Mareykanka ka socda ay ku dagaal galaan dhulka Ciraaq.

Afhayeen u hadashay wasaaradda Arimaha Dibadda Mareykanka, Marie Harf, ayaa ku celcelisay, aragtida uu qabo madaxweyne Obama oo ah,in ciidamo dagaal Mareykanka uusan marnaba geyn doonin ciraaq.

Mr. Obama ayaa horey 1,600 oo la taliyeyaal military ah ugu diray Ciraaq todobaadyadii dhowaa si ey u xoojiyaan dadaalka ciidamada Ciraaq ay ugu jiraan hakinta gulufka weerar ee Jabhadda Dowladda Islamiga ah ee Ciraaq iyo Syria ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan Daacish

XS
SM
MD
LG