Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama:Cudurka Ebola Waa "Halis Amni"


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xaqiijiyay Talaadadii shalay in kumanaan ka tirsan ciidamada Mareykanka loo diri doono Galbeedka Africa si ey gacan uga geystaan adeegyada caafimaad ee lagula dagaalamayo feyruska Ebola.

Ebola ayaa gobolkaasi waxa uu ku dilay dad ku dhow 2,500 oo qof tan iyo markii uu dilaacay.

Isagoo ka hadlayay xarunta la socodka iyo xakameynta cudurada ee Mareykanka oo ku taala magaalada koonfurta Mareykanka ku taala ee Atlanta, gobolka Georgia, ayuu Mr. Obama waxa uu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaadan doonaan dedejinta jawaab caalami ah oo dunidu ka bixiso xakameynta faafista Ebola.

Waxa uu sheegay in Dunidu ay Mareykanka soo eegeyso si uu u guto waajibaadka caalamiga ah ee ka saaran la dagaalanka xanuun halis ku ah amaanka iyo caafimaadka dadweynaha dunida iyo tan Mareykanka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli sida Madaxweynaha uu sheegay hanaanka caafimaadka ee dalalka Sierra Leone, Guinea, iyo Liberia uu ku dhowyahay inuu burburo.

Mr. Obama waxa uu sheegay in ciidamada Mareykanka aysan si toos ah ugu lug yeelan doonin baxnaaninta dadka uu ku dhaco Ebola, hase yeeshee ay tababrro iyo tasiilaad siin doonaan shaqaalaha caafimaadka ee dalalkaasi.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay dhisi doonaan ilaa iyo 17 xarun caafimaad oo midiiba ay 100 sariirood yaalaan. Waxaa kaloo ay dhisi doonaan xarun weyn oo ay ku tababari doonaan ilaa iyo 500 oo shaqaale caafimaad ah.

Ciidamadan oo saldhig ku yeelan doona magaalada Manrovia ee xarunta dalka Liberia, ayaa sidoo kale fududeyn doona, sidii sahayda dawo ee looga baahanyahay gobolka ay deg deg ugu gaari laheyd.

XS
SM
MD
LG