Isku xirrada

Sh. Cabdiraxmaan: Gowraca Daacish Islaamka ma Waafaqsana


Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cuma oo ka mid ah imaammada ugu horreeya Gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota ayaa cambaareeyey kooxda Daacish ee dalalka Siiriya iyo Ciraaq.

Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu falalka gowraca ee kooxdani ay fulisay ku tilmaamay inaysan islaamka waafaqsanayn.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cumar, Imaamka Masjidka Abuubakar Sidiiq ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyey VOA waxa uu kaga hadlay dhalinyarada Soomaalida ah ee ku biirtay Kooxda Daacish, waxana uu dhinaca kale uu si weyn u eedeeyey siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Weriyaha VOA Harun Macruf ayaa Sheekh Cabdiraxmaan kula kulmay magaalada Minneapolis.

XS
SM
MD
LG