Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir ka dhan ah ISIS oo ka Furmey Paris


Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in maliishiyaadka ISIS ay khatar ku yihiin dunida, loona baahan yahay in jawaab caalami ah laga bixiyo.

Mr. Hollande ayaa maanta sheegay in loo baahan yahay in waqtiga laga faaideysto, xilli isaga iyo Madaxweynaha Ciraaq Fouad Massoum ay si rasmi ah u fureen shir ka dhacaya magaalada Paris oo diiradda lagu saaray nabadgelyada iyo xasiloonida Ciraaq.

Kulanka waxaa ka qeybgalaya saraakiil ka socda ilaa 30 dal, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta.

Talaabadan waxay qeyb ka tahay dadaalka la doonayo in lagu sameeyo isbahaysi lagula dagaalamayo ururka ISIS, oo qabsadey dhul balaaran oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka Ciraaq, iyo weliba bariga dalka Syria.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa isna ka qeybgalaya shirkan kadib socdaal dhowr maalmood qaatey oo uu ku tegey Bariga Dhexe, kulamana kula yeeshey hoggaamiyeyaasha gobolkaasi.

Waxaa uu sheegay inay jiraan waddamo badan oo kuwo Carab ah ay ku jiraan oo ku yaboohaya inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah ISIS.

XS
SM
MD
LG