Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Amaanay Xukuumadda Cusub ee Ciraaq


Xoghayaha Arrimaha dDibadda ee Maraykanka, John Kerry ayaa ansixinta xukuumadda cusub ee Ciraaq ku tilmaaamay guul u soo hoyatay shacabka Ciraaq iyo tiirarka dadaalada Maraykanka ee ka dhanka ah kooxda xag-jirka ah ee Daacish

Xoghayaha Arrimaha dDibadda ee Maraykanka, Kerry ayaa sheegay in dawlada uu horseedka ka yahay Ra’iisul wasaare Xaydar Al-Cabaadi ay leedahay awood ay isugu keento shacabka Ciraaq, ayna u dhisto aayaha ay doonayaan.

Mareykanka ayaa sheegay in dawlada midnimo qaran ee Ciraaq oo ay ku jiraan Suniyiin qun-yar socod ah, Shiica iyo Kurdiyiin ay muhiim u tahay kooxda daacish oo ah koox mintidiinta Sunni ah oo qabsatay badi woqooyiga Ciraaq iyo Syria iyagoo khatar ku ah magaalada Baqdaad.

XS
SM
MD
LG