Isku xirrada

War Deg-Deg ah

U.S. oo Kordhineysa Dagaalka ay kula Jirto ISIS.


Militariga Maraykanka ayaa ballaarinaya ololihiisa ka dhanka ah kooxda DAACISH isagoo afar gantaal oo dhinaca cirka ah Axaddan ku riday fallaagada halista ku haysa in ay la wareegaan biya xireenka Xaditha ee woqooyiga Ciraaq.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in Ciraaq ay hadda gacanta ku hayso maamulka biyo xireenkaasi, oo ah isha ugu wayn ee biyaha iyo awoodda korontada. Xoghayaha difaaca maryakanka Chuck Hagel oo ka hadlayay Georgia ayaa sheegay in biyo xireenku yahay mid ahmiyad leh.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa raadinaya inuu abuuro isbahysi caalami ah oo la dagaalama jihaadiistayaasha waxaana uu sheegayaa inuu maalinta Talaadada ah la kulmi doono hoggaamiyayaasha congreska si uu u helo aragtiyadooda ku saabsan sida ugu wanaagsan ee lagula dagaalami karo khatarta ISIS.

Waxa uu qorsheynayaa in uu mowduucaasi ka hadlo maalinta Arbacada ah, maalin ka hor 13- guurada September 11, ee weerarrarii ay argagixisada al-Qaacida ku soo qaadday Maraykanka, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 3,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG