Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Idaacadaha Kulmiye iyo Simba oo La Xiray


Magaallada Muqdishu waxaa dawladdu xirtay laba idaacadood oo madaxbannaan oo lagu kala magacaabo Kulmiye iyo Radio Simba. Idaacadahan ayaa VOA u sheegay in loo xiray inay sii daayeen warar la xiriira dilkii hoggaamiyhi ururka al-Shabab Axmed Godane oo saraakiisha al-Shabab ay ka hadleen.

Agaasimaha idaacadda Kulmiye ayay nabad suguddu xirtay saacado kooban ka dibna la sii daayay. Agaasimaha SIMBA ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada dowladda ay qaadatay qalabkii idaacddooda, saddex ka mid ah shaqaalahoodana ay wali xiran yihiin

Waraysi aanu la yeelanay Agaasimayaasha Idaacadaha Kulmiye iyo SIMBA Cusmana Cabdullaahi Guure iyo Cabdullaahi Cali Faarax ka dhageyso qaybta hoose.

Wareysiyada Kulmiye iyo Simba
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:10 0:00

XS
SM
MD
LG