Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ka Digtay Aargoosiga al-Shabaab


Ciidanka booliiska
Ciidanka booliiska

Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday inay heegan buuxa galisay ciidankeeda si ay uga hortagto weerarro aargoosi ah oo ka iman kara ururka al-Shabaab kaddib markii hoggaamiyahoodii lagu dilay weerar uu Maraykanku ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose. Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in al-Shabab ay isku dayi doonaan inay weerarro fuliyaan.

Khaliif Ereg, wasiirka Amniga Qaranku wuxuu ku celiyay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay inay soo dhaweyso ciddii al-shabab ka soo baxaysa, diyaarna ay dowladdu u tahay inay daryeesho.

Axmed Cabdi Godane, hoggaamiyihii ururka al-Shabab ayaa lagu dilay weerar diyaaradaha Maraykanku ay Isniintii ka fuliyeen meel waqooyiga kaga began magaalada Bardheere. RW Somalia Abdiweli Sh. Axmed ayaa VOA u sheegay in dilka Axmed Godane ay tahay guul weyn.

Ururka al-Shabab ayaan si rasmi ah wali uga hadlin dhimashada Axmed Godane. Wararka ku dhow-dhow al-Shabab-na waxay sheegayaan inay socoto qorshe ku aadan soo magacaabista qofkii baddali lahaa Axmed Godane, faahfaahin rasmi ahna lagama hayo qofkaasi cidda u noqon doono, iyo inayba doorteen mar hore iyo in kale.

XS
SM
MD
LG