Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Jojin looga Dhawaaqay Ukraine

Xukumadda Ukraine iyo falaagada uu Ruushku taageero ayaa kala saxiiday heshiis xabad joojin ah oo ku aadan dagaalka Bargiga dalkaasi ku dhex marayay shanti bilood ee la soo dhaafay.

Heshiiskan oo ay labada dhinac ku kala saxiixdeen caasimadda dalka Belarusia ee Minsk maanta oo Jimca ah ayaa dhaqan galaya laga bilaabo 6:00 Maqribnimo saacadda Ukraine.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay wada hadalo wakiilo ka kala socday falaagada , xukumadda Ukraine, Ruushka, iyo heyad Amaanka ka shaqeysa oo laga leeyahay Yurub, OSCE, ay maanta oo Jimco ah ku yeesheen caasimadda dalka Belarusia ee Minsk.

Heshiiskan ayaa waxaa bartiisa Twitterka ku faafiyay Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko, isagoo sheegay nabaddu ay tahay wax dunida oo dhan ay u baahantahay, si gaar ahna ay ugu baahanyihiin guud ahaan dadka reer Ukraine gaar ahaan malaayiinta qof ee ku nool Donbas.

Sidoo kale Falaagada ka dagaalanta Bariga Ukraine ayaa ku xaqiijiyay heshiiskan bogooda Twitterka ee rasmiga ah.

Waxaa kaloo heshiiskan uu ku soo beegmay saacado un ka hor iyadoo uu dagaal culus uu ka dhacay maanta oo Jimca ah Bariga dalka Ukraine.

Goob joogayaasha ayaa maqlay qaraxyo iyo israsaaseyn duleedka Bari ee magaalada Istraatiijiga ah ee Mariupol, oo sidoo kale dagaal uu ka dhacay gelinkii dambe ee Khamiistii shalay.

Arbacadiina, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo bandhigay qorshe nabadeed oo todoba qodob ka koobma oo kacdoonka falaagada lagu soo afjarayo, heshiiskaas oo ku baaqaya in la hakiyo howlgalada socda ee military ee ay wadaan labada Ukraine iyo Falaagada.

Qorshaha Putin waxaa kaloo ku jira in ciidamada Ukraine ay dib uga gurtaan magaalooyinka waaweyn ee bariga dalkaasi ku yaala ee ay mucaaradku ku xooganyihiin.

Xukumadda Ukraine Ayaan weli xaqiijin faahfaahinta hindisaha Putin, hase yeeshee dadka siyaasadda gobolka ka faalooda ayaa qaba in Kyiv ay u aragto hindisahan inuu ka dhiganyahay “iyadoo is dhiibta” isla markaana aysan aqbali doonin.

Dagaalka Bariga Ukraine ayaa bilowday bishii April, waxaana bilaabay kooxo gooni u goosad doon ah oo Ruushku uu taageero, waxaana ilaa iyo markaa ku dhintay in ka badan 2,600 oo qof, iyadoo kumanaan kun oo qofna ay ka bara kaceen deegaanadooda.

Labadaba Ukraine iyo NATO ayaa sheegay in falaagadu ay maalmihii ugu dambeeyay horumar weyn ka sameeysay dagaalka, iyagoo ku eedeeyay xukumadda Moscow inay siineyso falaagada taageero toos ah, inkastoo uu Ruushku si joogta ah u beeniyo eedahaasi.

XS
SM
MD
LG