Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Eegaya Rarista Qabriga Nabiga


Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa si weyn looga hadalhayay warbixnno ay qoreen wargeysyo waaweyn oo ka soo baxa dalka Britain, kuwaas oo lagu sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka fekereyso qorshe looga rarayo qabriga nabi Mohamed NNKH halka uu kaga yaalo magaalada Madina.

Wargeysyada the Independent iyo Daily Mail oo warbixintan qoray 1dii bishan ayaa soo xigtay daraasad 61 bog ka kooban oo wada tashi ku jirta, oo uu qoray aqoonyahan la shaqeeya dowladda Sacudiga tasoo lagu sheegay in qabriga nabiga loo raro qabuuraha al-Baqi ee ku yaala magaalada Madina..

Qabriga Nabiga ayaa muslimiinta u ah halka labaad ee ugu barakada badan marka laga reebo kabcada magaalada Makka.

Sheekh Maxamed Ileeye oo imaam ka ah Masjidu Nuur oo ku yaala magaalada Settale ee gobolka Washington Ayaan wax ka weydiiyay arintan.

Qabriga Nabiga (NNK)
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:22 0:00

XS
SM
MD
LG