Isku xirrada

Dunida: Ciidanka Halaga saaro Saaxdheer


Wakiillada Maraykanka, QM iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyey ciidamada hubaysan ee la geeyey Saaxdheer, waxayna ku baaqeen in si dhakhsi ah ciidankaasi halkaasi looga saaro.

War-qoraal ah oo ka sooJames P. McAnulty, Nicholas Kay iyo Michel Cervoned'Urso ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku baaqeen in si deg-deg ah loo sii daayo maxaabiista la haysto, waxayna ku booriyeen dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan rabshadaha iyo inay sameeyaan dadaal wadajir ah si loo dajiyo colaadda, wadahadalna lagu xaliyo.

Ciidanka Somaliland ayaa shalay qabsaday Saaxdheer oo xarun u ahayd maamulka Khatumo, halkaasi oo shalay lagu waday in lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galayr oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Khatumo.

XS
SM
MD
LG