Isku xirrada

Soomaali ka Tirsan ISIS oo Syria lagu Dilay


Iraq ISIL / ISIS

Iraq ISIL / ISIS

Nin Soomaali Maraykan ah ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay qofkii labaad ee Maraykan ah ee lagu dilay Syria isagoo ka bar bar dagaalamaya kooxda ISIS.

Telifishanka KSMP ee magaalada Minneapolis ayaa ninkaasi magaciisa ku sheegay Cabdiraxman Muxumed.

Telifishanka oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in Cabdiraxmaan lagu dilay isla goobtii uu ku dhintay Douglas McCain, oo ahaa 33-jir Maraykan ah oo isna ka tagay agagaarka Minneapolis kuna biiray kooxda ISIS.

Wararka dhimasha ninkan Soomaali Maraykanka ah ayaa lagu baahiyay baraha bulsha, saraakiisha amniga Maraykankuna waxay sheegayaan inay wararkaasi arkeen, balse aanayn xaqiijin karin wali inuu run yahay iyo in kale.

Dhinaca kale, hooyada dhashay wariye Maraykan ah oo ay haystaan kooxda ISIS ayaa ka codsatay hoggaamiyayaasha kooxda in wiilkeeda Steven ay u sii daayaan

Hooyadan oo lagu magacaabo Shirley Sotloff ayaa muuqaal Video ah ku sheegtay inuu wiilkeedu yahay “nin sharaf leh” oo aa loo ciqaabi karin ficilada dowladda Maraykanka.

XS
SM
MD
LG