Isku xirrada

Xaaladda Tiyegloow oo Maanta Deggan


Degmada Tiyegloow oo ay shaley la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta deggan.

Maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay inay ahmiyad weyn u leedahay qabshada degmada Tiyeegloow oo ah tii ugu dambeysay oo gobolka ah oo shabaab lagala wareego.

Guddoomiye Ku xigeenka maamulka gobolka Bakool Sheikh Xassan Ibraahim Xassan ayaa VOAda u sheegay inay degmadu u deggantahay , waxaana uu sheegay in ka hor intii aan degmada la qaban ay ka tabaabushaysteen sidii aanay degmdu go’doon u noqon lahayn.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in dadku cadadis badan ay la kulmi jireen intii al shabab ay degmada maamulaysay.

Waraysiga Guddoomiye Ku xigeenka maamulka gobolka Bakool Sheikh Xassan Ibraahim Xassan oo dhabn ka dhegayso qaybta hoose eeboggan.

XS
SM
MD
LG