Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul-wasaaraha oo Booqday Dhadhaab


Ra'iisal wasaaraha oo jooga Dhadhaab
Ra'iisal wasaaraha oo jooga Dhadhaab

Ra’iisul-wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu horkacayo ayaaa maanta booqasho saacaddo qaadatay ku tagay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan in ku dhow 4 boqol oo kun oo qaxooti Soomaali ah.

Ra’iisul-wasaaraha oo noqonaya mas’uulkii ugu sareeryey ee dowladda Somalia ka socda ee booqda qaxootiga ayaa soo arkay xerada Ifo 1 iyo xaruun caafimaad iyo dugsi halkaasi ku taalla, wuxuuna la kulmay qaar kamid ah qaxootiga.

Wareysi uu siiyay VOA Ra’iisul-wasaare Cabdiweli ayuu kaga hadlay wixii uu Dhadhaab ku soo arkay.

Cabdiweli Sheekh oo noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay ee dowladda Somalia ka socday oo booqda Dhadhaab ayaa booqashadiisu la xiriirtay u kuurgalida xaaladda Qaxootiga. Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Ra’iisul-wasaare Caliweli wuxuu sheegay in qaxootiga uu ku soo arkay xeryaha Dhadhaab ay yihiin kuwa doonaya inay dalkii ku noqdaan.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Waraysi: Ra'isal Wasaaraha Somalia oo u warramay VOA
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:40 0:00

XS
SM
MD
LG