Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciraaq: Weerarro lagu Qaaday ISIS


Ciidamada Maamulka Kurdiyiinta ee Ciraaq ayaa bilabay hawlgal ka dhan ah kooxda ISIS, Weerarkan cusub ayaa lala beegsaday magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga Ciraaq.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Kurdiyiinta ee loo yaqaanno “Peshmerga” ay la wareegeen qaybo ka mid ah magaalada Jalawla oo ku taalla waqooyiga bari ee Ciraaq.

Magaaladan oo ka tirsan ismaamulka Kurdiyiinta ee Ciraaq ayaa waxaa 11kii bishan qabsaday kooxda mayalka adag ee ISIS.

Ciidamada Kurdiyiinta ayaa dhawaan bilaabay inay dib u qabsadaan goobihii laga haystay iyaga oo ka faa’idaysanaya duqaynta ay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku la beegsanayaan ISIS.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa Khamiistii shalay sheegay sheegay in halista ay Kooxda ISIS ku heyso amaanka dunida, ay tahay mid aan horey loo arag .

Hagel,oo khamiistii shalay ka hadlayay Washington, ayaa ku tilmaamay mintidiinta Daacish, inay ka duwanyihiin – kooxihii argagixisada ee horey loo yaqaanay.

Waxa uu sheegay inay si weyn u hubeysanyihiin, tabarbarkoodu u sareeyo, isla markaana ay hanti fara badan heystaan.

Waxa uu sheegay inay halis ku yihiin danaha mareykanka ee Ciraaq iyo guud ahaan dunida, isagoo intaa ku daray in looga adkaan karo oo kaliya, marka lagu wajaho labadaba Ciraaq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG