Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hagel: ISIS oo Kale Horey Looma Arag


Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Chuck Hagel ayaa sheegay in halista ay Kooxda ISIS ku heyso amaanka dunida, ay tahay mid aan horey loo arag .

Hagel,oo khamiistii shalay ka hadlayay Washington, ayaa ku tilmaamay mintidiinta Daacish, inay ka duwanyihiin – kooxihii argagixisada ee horey loo yaqaanay.

Waxa uu sheegay inay si weyn u hubeysanyihiin, tabarbarkoodu u sareeyo, isla markaana ay hanti fara badan heystaan.

Waxa uu sheegay inay halis ku yihiin danaha mareykanka ee Ciraaq iyo guud ahaan dunida, isagoo intaa ku daray in looga adkaan karo oo kaliya, marka lagu wajaho labadaba Ciraaq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG