Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA:Rabshado Weli ka Jira Missouri


Guddoomiyaha gobolka Missouri ee bartamaha dalka Mareykanka ayaa ku amrey ciidamada ilaalada qaranka inay galaan magaalada Ferguson, toddobaad kadib oo mudaaharaadyo rabshado wata ay dhacayeen kuwaas oo ka dhashey toogasho lagu diley wiil dhalinyaro ah oo madow ah, kaas oo uu diley sarkaal booliska ka tirsan oo caddaan ah.

Jay Nixon waxaa uu amarkaasi bixiyey maanta markii rabshado kale ay dhexmareen booliska iyo dad banaanbaxyo dhigayey magaaladaasi Ferguson.

Gelinkii dambe ee maalintii Axadda, booliska oo wata gawaarida gaashaaman ee rabshadaha lagaga hortago ayaa suntan dadka kaga ilmeysiisa u adeegsadey si ay ukala eryaan dad badan oo dhankooda ku soo socdey. Booliska ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaasi oo ka qeybgalayey wax u muuqdey mudaaharaad nabadeed ay isku dayeen inay weeraraan bar ciidamada amnigu leeyihiin.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska, Captain Ron Johnson ayaa sheegey in dadkaasi ay walxo iyo qashin kaleba ku soo tuureen booliska, isla markaana ay geysteen dhac iyo burburin hanti. Waxaa uu sheegay in ugu yaraan laba ruux oo ka mid ah dadkii banaanbaxayey ay ku dhaawacmeen toogashadii dhacdey.

XS
SM
MD
LG