Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir ku Dhuftey Galbeedka Iran


Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftey galbeedka dalka Iiraan goob ku dhow xadka Ciraaq.

Hay’adda Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha dhulka ee U.S. Geological Survey ayaa sheegtay in dhulgariirkaasi oo qiyaastiisu ahayd 6.2 uu ku dhuftey goob ilaa 36 km dhanka koonfuur galbeed ka xigta magaalada Abdanan subaxnimadii maanta .

Televishanka qaranka iyo saraakiisha maxalliga ee dowladda ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo gaarey dhismeyaasha, isla markaana ay dad gaaraya 60 dhaawacmeen.

Hay’adda U.S. Geological Survey ayaa sidoo kale sheegtay inay jiraan dhulgariiro kale oo yar yar oo ilaa saddex gaaraya qiyaastodana ay u dhexeysey 4.5 ilaa 5.6 ay isla goobtaasi ku dhufteen saacado kadib.

XS
SM
MD
LG