Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kay iyo Gaas oo Garowe ku Kulmay


Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay ayaa maanta Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland kula kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland oo wabaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku faraxsanyahay in Danjire Nicholos Key uu mar kale booqasho ugu tago si ey uga wada hadlaan arimo quseeya Puntland iyo xiriirka aan wanaagsaneyn ee dhawaanahan kala dhaxeeyay dowladda Federalka ah ee Somalia.

Kullan Gaar ah oo ay wada qaaten Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Nicholos Key ayaa waxa ay uga wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen; Xiriirka u dhaxeeya Q.M iyo Dowladda Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyo xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Fadaralka.

XS
SM
MD
LG