Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo ka Gaashaamanaysa Ebola


Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay dalkeeda soo gali karin dadka ka imanaya dalalka Guinea, Liberia iyo Sierra Leone oo ah dalalka uu ka dilaacay xanuunka Ebola.

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in go’aankan uu ku salaysanyahay xogt ay ka heleen hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Hay’adda ayaa sheegtay in caalamku uu dhayalsaday halista xanuunka Ebola, waxaanay hay’addu intaasi ku dartay in dhibaatada xanuunkaasi ay sii socon karto wakhtiyada soo socda.

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya ayaa sidoo kale sheegay in xayiraaddan ku meel gaarka ah ay ka dhaqan galayso dhammaan garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha dalka Kenya.

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa ku biirtay shirkado kale oo hakiyay amma shuruudo dheeraad ah ku soo rogay duulimaadyada tagaya galbeedka Africa.

XS
SM
MD
LG