Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ebola: Korea oo Hakisey Duulimaadyada Africa


Shirkad kale oo diyaaradeed ayaa joojisey duulimaadyadeedii qaaradda Africa, xilli cudurka Ebola uu si xooggan ugu sii fidayo afar dal oo ku yaalla Galbeedka Africa.

Shirkadda Diyaaradaha ee Korea ayaa maanta sheegtay inay si ku meel gaar ah u hakin doonto duulimaadyada caasimadda Kenya ee Nairobi, tallaabadaas oo mas’uuliyiinta shirkadda ay ku tilmaameen inay tahay mid looga hortagayo fiditaanka xanuunka Ebola.

Ilaa iyo hadda ma jiro qof laga heley cudurka Ebola dalkaasi Kenya, balse Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Kenya ku tilmaantey waddan khatar weyn ugu jira inuu xanuunkaasi ka dilaaco, sababo la xiriira dalka oo udub dhexaad u ah duulimaadyada diyaaradaha ee gobolka iyo qaaradda Africa inteeda kale.

Goor sii horeysey ayaa shirkadaha diyaaradaha ee British Airways iyo shirkadda diyaaradaha ee Imaaraadka waxay joojiyeen duulimaadyadoodii qeybo ka mid ah Galbeedka Africa, taas oo iyana ah tallaabo looga hortagayo fiditaanka Ebola.

WHO ayaa warbixinteedii dhowaan soo baxdey waxay ku xustey in dad gaaraya 1,069 ay sannadkan cudurka Ebola ugu dhinteen dalalka Guinea, Liberia, Nigeria iyo Sierra Leone. Ku dhowaad laba kun oo qof ayuu cudurkan ku asiibey waddamadan ku yaalla Galbeedka Africa.

Dadka uu dhowaan xanuunkan asiibey iyo kuwa maalmahn dhow u dhintey ayaa u dhashey Liberia iyo Sierra Leone.

Midowga Afrika ayaa bisha dambe dalka Burkina Faso ku qaban doona shir madaxeed looga hadlayo Ebola.

XS
SM
MD
LG