Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iraq: Maliki oo Dadaal ugu Jira inuu Xilka si Hayo


Maxkamadda Sare ee Ciraaq ayaa xukuntey in isbaheysiga siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Raiisul Wasaare Nouri al-Maliki uu yahay kan ugu ballaaran, taas oo xoojineysa aragtida ah in Mr Maliki uu si hayo xilkiisa oo uu soo hayey tan iyo sannadkii 2006.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda gaartey maanta oo Isniin ah saacado kadib markii Mr Maliki uu ku dhawaaqey inuu dacwad ku furayo Madaxweyne Fouad Massoum taas oo ku saabsan inuu ku guuldareystey inuu soo magacaabo raiisul wasaare ka hor maalinta Axadda oo ah waqtiga kama dambeysta ee loo qabtey inuuu raiisul wasaare ku soo magacaabo.

Ilaa iyo hadda ma cadda goorta iyo haddii uu Mr Massoum weydiisan doona Mr Maliki inuuu dowlad soo dhiso iyo in kale.

Ka hor go’aanka maxkamadda, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa taageero u muujiyey Mr Massoum iyo xulashada raiisul wasaare hoggaamin doona dowlad cusub oo loo dhan yahay oo Ciraaq ay yeelato.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in dowlad laga dhiso Ciraaq ay muhiim u tahay xasiloonida dalka, waxaana uu Mr Maliki ku booriyey inuu ka fogaado kicinta iyo inuu xasarad abuuro.

XS
SM
MD
LG