Isku xirrada

Md. Xasan oo Bulshada Minnesota la Hadlay


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo shirar gooni gooni ah la yeeshay madaxda iyo ururrada bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalka Minnesota ka dib, ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ka qeyb galay munaasabad ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhaweynaysey, islamarkaana madaxweynaha looga dhageysanayey marxaladda uu dalku haatan ku sugan yahay.
Dhinaca kale banaanka goobta lagu soo dhaweynayey madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay banaanbax isaga looga soo horjeeday.
Munaasabadda oo ka dhacday Jaamacadda University of Minnesota ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa warbixintan ka soo diray Maxamuud Mascadde.

XS
SM
MD
LG