Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Ebola oo Xawli ku Faafaya


Dalalka Galbeedka Africa ee sida ba’an u saameeyay cudurka Ebola ayaa dadaal adag ugu jira ka hortagga faafitaanka cudurkaasi.

Dawladda Guinea ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inay xirtay xadkii ay la lahayd dalka Liberia iyo Sierra Leone.

Saddexdan dal ee deriska ah ayaa waxaa cudurka Ebola u dhintay ugu yaraan kun qof.

Qofkii u dambeeyay ee cudurkan laga helo ayaa ahayd baadariyad u dhalatay dalka Congo oo ka soo qaaday xanuunka kaniisad ay u shaqaynaysay oo ku taalla dalka Liberia.

Dalka Nigeria ayaa ugu yaraan laba qof oo kale waxay u dhinteen cudurkaasi.

Waxaana dalkaasi lagaga dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Cudurka Ebola ayaa ku socda xawli aan wali hore loo arag, mana jirto ilaa imika daawo amma tallaal looga hortago.

XS
SM
MD
LG