Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Ansixiyay Sharciga Xawaaladaha


Madaxweynaha Mareykanka barack Obama ayaa saxiixay sharciga horumarinta xawaaladaha, oo uu dhawaan ansixiyay Aqalka Senateka.

Sharcigan ayaa khafiifinaya sharciyadii lagu maamulli jiray shirkadaha xawilaadaha Maraykanka, oo ay aad uga faa’ideystaan Somalida iyo Qowmiyadda Hmongka.

Sharcigan ayaa dhigaya in baaritaanadii heerarka gobolka iyo dowlada dhexe ee lagu sameyn jirey lacagaha xawilaadaha haatan loo sameyn doono oo kaliya heer gobol.

Shacigan ayaa fududeyn doona dhibaatooyinkii shirkadaha xawilaadaha xagga xisaabaadka iyo baaritaanada ka heystay, qarashaad badan ay ku bixin jireen muddo dheerna qaadan jirtey .

Mudanaha Congresska Mareykanka ka soo gala Gobolka Minnesotta oo ay Somalida ugu badan Mareykanka kaga nooshahay, Keith Ellison, oo sharciga hormuud ka ahaa, ayaa soo dhaweeyay talaabada Madaxweynaha.

Wuxuu yiri “Dhaqan galka sharcigan waxa uu faraxad iyo maalin weyn u yahay mujtamaca qurba joogta ee Mareykanka, gaar ahaan dadka Somalida iyo Hmongka ee aan matalo, kuna faano”.

Mr. Ellison ayaa isagu ka soo shaqeeyay xeerkan waxaana sidoo kale uu waddey olole ah in xawilaadaha Soomaalida laga qaado xayiraadii xaga Bangi-yada Mareykanka.

Qeybaha kala duwan ee somalida ku nool dalkan Mareykanka ayaa sidoo kale dadaal xooggan ugu jiray sidii loo badbaadin lahaa xawaaladaha oo ah marin isku xira taageerada qurba joogta iyo malaayiin eheladooda ah oo ku nool Somalia, kuna tiirsan gacanta kuwa ay jecelyihiin.

XS
SM
MD
LG