Isku xirrada

Liberia oo la Tacaaleysa Cudurka Ebola


Mas’uuliyiinta dalka Liberia ayaa la tacaalaya kororka meydadka dadka u dhintey xanuunka Ebola kuwaas oo aan weli la aasin kuna dayacan xaafadaha iyo tuulooyinka uu ka dilaacay virus-ka dhaliya Ebola.

Warbaahinta maxalliga ayaa sheegaya in xarrumaha caafimaadka oo ay dad buux dhaafiyeen awgeed ay horseedday in meydadka lagu dayaco xaafadaha muddo dhowr maalmood ah.

Wararka ayaa sheegaya in 37 meyd ah laga heley maalintii Axadda goob ku taalla magaalada caasimadda ah ee Monrovia.

Wasiirka Warfaafinta ee Liberia Lewis Brown ayaa VOA u sheegay in hay’adaha caafimaadka qaarkood aaney horey ugu diyaargaroobin xaaladaha ay la iman kareen bulshooyinka waddankaasi ku dhaqan.

Waxaa uu sheegay in bulshada qaarkeed ay diiddan yihiin in degaannadooda lagu aaso dadka uu cudurkan aafeeyey.

XS
SM
MD
LG