Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaza: Israel oo Weerartey Xero Qaxooti


Shaqaalaha gurmadka degdegga ee Marinka Gaza ayaa sheegay in weerar diyaaradaha dagaalka ee Israel ku qaadeen xero qaxooti ay ku dhimatey gabar yar oo siddeed jir ah, isla markaana lagu dhaawacay 30 qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka ka dhacay xerada qaxootiga ee uu dhacay maanta oo Isniin ah, daqiiqado ka hor intaanu dhaqan gelin xabbad joojin ay Israel soo jeedisey.

Milatariga Israel ayaa sheegay inay eegayaan wararkaasi.

Israel ayaa sheegtay inay xabbad joojin ka dhaqangelineyso inta badan degaannada Marinka Gaza ku yaalla si gargaar aadminimo loo gaarsiiyo shacabka Falastiiniyiinta, isla markaana dadka rayidka ay dib ugu laabtaan guryahooda.

Saacado ka hor intaaney dhaqangelin xabbad joojinta, weerar ay qaadeen diyaaraadaha dagaalka ee Israel ayaa waxaa lagu dilety mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha maliishiyaadka Falastiiniyiinta. Ururka Islamic Jihad ayaa sheegey in taliyahooda oo magaciisa la yiraahdo Danyal Mansour, uu geeriyoodeay markii weerar lala beegsadey gurigiisa.

Israel ayaa taankiyadeeda dagaalka geysey goob ku dhow xadka ay la leedahay Gaza maanta ka hor intaaney xabbad joojinta dhaqangelin.

XS
SM
MD
LG