Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka oo Ansixiyay Sharciga Xawaaladaha


Keith-Ellison
Keith-Ellison

Aqalka Senate dalka Mareykanka ayaa shalay ansixiyay sharciga horumarinta xawaaladaha, kaasoo khafiifinaya sharciyadii lagu maamulli jiray shirkadaha xawilaadaha Maraykanka.

Sharcigan ayaa dhigaya in baaritaanadii heerarka gobolka iyo dowlada dhexe ee lagu sameyn jirey lacagaha xawilaadaha haatan lagu sameyn doono uun mid heer gobol ah taasoo fududeyn doonta dhibaatooyinkii shirkadaha xawilaadaha ee xaga xisaabaadka baaritaanada oo ay qarashaad badan ku bixi jireen muddo dheerna qaadan jirtey .

Hadaba Keith Ellison oo ah xubin ka tirsan congress-ka oo laga gobolka Minnesota oo ah gobol Somalida ugu badan ee dalka Mereykanka ay joogaan, ayaa soo dhaweeyay talaabadan ay qaadeen xubnaha aqalka Senate-ka.

Mr. Ellison oo isagu ka soo shaqeeyay xeerkan ayaa sidoo kale waddey olole ah in xawilaadaha Soomaalida laga qaado xayiraadii xaga Bangi-yada Mareykanka.

Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ee ku wareystey Mr. Ellison.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00


XS
SM
MD
LG