Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xabbad Joojintii Marinka Gaza oo Burburtey


Xabbad joojintii la filayay inay ka dhaqangasho Marinka Gaza ayaa burburtey, iyadoo ay jirto dhimasho dhowr qofood, labada dhinacna uu mid kasta kan kale ku eedeynayo inuu jebiyey heshiiska xabbad joojinta.

Milatariga Israel ayaa sheegay in maliishiyaad hubeysan ay weerareen ciidamo Israeli ah oo ku hawlanaa burburinta marinnada dhulka hoostiisa ku yaalla ee xadka dhanka koonfureed ee Rafah saacad kadib markii ay bilaabatey xabbad joojinta ay taageerayeen Qaramada Midoobay iyo Mareykanka maanta oo Jimco ah. Waxaa maliishiyaadkaasi Xamaas ay weerarkaasi ku dileen laba askari oo Israeli ah.

Milatariga Israel ayaa sidoo kale waxaa uu ka shakisan yahay in Xamaas ay afduub u geysatey mid ka mid ah ciidamadooda, isla markaan ay ula dhaqaaqeen Marinka Gaza iyagoo sii maraya marinnadaasi dhulka hoostiisa ku yaalla.

Israel ayaa ku dhawaaqdey inay sii wadi doonto burburinta mariinada dhulka hoostiisa si ay isku difaacdo xitaa haddii uu dhaqangalo heshiiska xabbad joojinta, iyadoo sheegtey in weerarka lagu soo qaadey uu xadgudub cad ku yahay qorshaha heshiiska xabbad joojinta ee la doonayey inuu socdo muddo saddex maalmood ah.

XS
SM
MD
LG