Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarayaal Gaaray Bartii Burburka Malaysia Airline


Koox khubaro ah oo caalami ah ayaa gaartay bartii ay ku burburtay dayuuradii Malaysia Airlines ee duulimaadkeedu ahaa 17 ee dhawaan ku bur burtay bariga dalka Ukraine..

Arintan ayaa markii ugu horeysay u suuragashay qubaradan caalamiga ah inay halkaasi tagaan ka dib markii isku dayo badan oo ay maalmihii la soo dhaafay sameynayeen ay u guul dareysteen rabshado ka jiray dhulka ay falaagadu maamusho ee Bariga Ukraine.

Ururka Amaanka iyo horumarinta Europe ayaa ku dhawaaqay talaabadan maanta oo Qamiis ah.

In khubaradu ay gaarto barta burburka diyaaradda ayaa u suuragelineysa inay ka soo ururiyaan wixii daliila ah ee la xiriira burburka iyo haraadiga jirka bani aadamka oo weli halkaa aan laga nadiifin.

Dhinaca kale xukumadda Ukraine ayaa ku dhawaaqday maalin ay hakadgelineyso dagaalka ay kula jirto falaagada uu Ruushku taageero – si loogu ogolaado barayaasha caalamiga ah inay tagaan goobta ay dayuuraddan ku soo dhacday.

Xukumadda Kyiv ayaa sheegtay in talaabadaasi ay jawaab u tahay codsi uga yimid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, ee ahaa in la joojiyo dagaalka, loona ogolaado kooxdan khubarada ah inay howshooda gutaan.

XS
SM
MD
LG