Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Badan oo ku Dhintay Duqeynta Qaza


Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in weerar ay maanta Marinka Gaza ka geysteen diyaaradaha dagaalka iyo taankiyada Israel ay ku dhinteen ugu yaran boqol qof, xilli militariga ay sii xoojinayaan olole uu Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu ka digey inuu waqti dheer qaadan karo.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tirada guud ee dhimashada ay haatan dhaaftey 1,100 oo u badan dad rayid ah, kadib markii weeraro baahsan oo cirka ay ciidamada Israel ka fuliyeen Gaza saddexdii toddobaad ee la soo dhaafey.

Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hawlgalkan aanu soo afjarmi doonin ilamaa ciidamada Israel ay ka burburiyaan khadadka dhulka hoostiisa ee maliishiyada Xamaas u adeegsadaan inay ugu soo gudbaan gudaha Israel si ay weeraro uga geystaan.

Milatariga Israel ayaa sheegay in dagaalyahannada Xamaas oo istcimaalaya waddooyinkan dhulka hoostiisa ay maanta dileen shan askari oo reer Israel ah.

Tirada guud ee ciidamada Israel kaga dhimatey hawlgalkan ayaa gaareysa 53 askari.

XS
SM
MD
LG