Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Muun-Gaab oo Qarax Lala Beegsadey


War ay VOA ka heshey ilo lagu kalsoonyahey ayaa sheegaya in goor dhaweyd miino nooca dhulka lagu aaso ee loo yaqaanno KU SOO BOODDO lala beegsadey baabuur uu saarnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isla markaana ah Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab).
Waxa warku intaas ku darey in Guddoomiye Muun-Gaab uu qaraxaas ka badbaadey oo uusan wax ku noqonin,
Laakiin nin odey oo waddaada marayey uu ku dhintey, sidoo kalena haweeney iyaduna aaggaas joogtey ayaa qaraxaasi uu dhaawac halis ah u geystey.
Haddii wax kale oo muhiim ah ay ku soo kordhaan qaraxan lala beegsadey Guddoomiye Muun-Gaab ee uu ka badbaadey, idaacadahayahaga soo socda ee barito ayaad ku maqli doontaan
XS
SM
MD
LG